Duuliyeyaasha oo dafiray muddo kama dambeys ah oo loo qabtay

0
449

Waxaa maalinkii labaad garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi laga dareemaya saameynta ka dhalatay shaqo joojin ay shalay ku dhaqaaqeen xubnaha ururka duuliyeyaasha dalka ee KALPA.
Howlwadeennada ayaa doonaya in wax laga qabto tabashooyin ay qabaan oo ay ka mid tahay in la beddelo qaar ka mid ah saraakiisha shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways.
Waxay dafireen amar shalay ka soo baxay madaxa fulinta ee shirkadda Kenya Airways Allan Kilavuka oo ahaa inay shaqooyinkooda dib ugu soo laabtaan muddo 24 saacadood gudaheeda ah.
Shaqo joojinta waxaa shalay ka qayb qaatay ilaa 400 oo ah duuliyeyaal u shaqeeya shirkadda KQ.
Tallaabada ay ku dhaqaaqeen ayaa saameysay 10,000 oo rakaab ah.
Tom Shivo oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda KQ ayaa bayaan ku sheegay in shaqo joojinta awgeed la joojiyay ama dib loo dhigay ugu yaraan 53 duullimaad.
Shirkadda Kenya Airways ayaa hadda ku howlan inay lacagahooda u celiso rakaabkii horay isku diiwaangeliyay si ay diyaaradaheeda ugu safraan.
Dhanka kale waxaa socdo kulamo la doonayo in lagu xalliyo caqabadda dhanka gaadiidka hawada ee Kenya soo foodsaartay.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa shalay duuliyeyaasha ku eedeyay inay guda galeen tallaabo aan laga fiirsan oo carqaladeynaysa kobaca dhaqaale ee wadanka