Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee lagu eedeyo inay gaysteen dilal sharci darro ah in lagula xisaabtamaya guddiga wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamullada dowladda dhexe ay aqoon iyo awood buuxda u leeyihiin inay arrimahan baaritaano qoto dheer ku sameeyaan.
Rigathi ayaa xusay inay qasab tahay in dhibbanayaasha ay saameeyeen dilalka sharci darrada ah ay caddaalad helaan.
Hadalka hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo ay weli dacwad ku socoto 9 sarkaal oo horay uga tirsanaa qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU-da oo uu madaxweynaha dalka William Ruto amray in la kala diro ka dib markii laantan lala xiriiriyay fulinta dilalka sharci darrada ah.




