Xisbiga Imran Khan oo dibadbaxyo qaran ku baaqay

0
346

Hal maalin un ka dib markii toogasho lagu dhaawacay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa waxaa dibadbaxyo qaran ku baaqay xisbigiisa.
Khan oo ah madaxa xisbiga (PTI) ayaa waxaa shalay soo gaaray dhaawacyo fudud ka dib markii ay rasaas ku dhacday isagoo saaran baabuur marayay magaalada Wazirabad ee gobolka Punjab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladiisa caafimaad ay hadda wanaagsan tahay maadaama isla markiiba loola cararay isbitaalka Lahore halkaasi oo ay dhakhaatiirtu ku daryeeleen.
Madaxda sare ee xisbiga PTI ,Asad Umar iyo Fawad Chaudhry ayaa qoraallo ay soo dhigeen barta Twitter-ka ku sheegay in dibadbaxyada ay dhacayaan galinka dambe ee maanta .
Imran Khan, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan ayaa la filayaa inuu shir jaraaid qabto 4-ta galabnimo ee waqtiga wadankaasi.
Xisbiga ayaa lagu wadaa inuu taageerayaashiisa la wadaago tallaabada xigta ee ay qaadayaan.