4.5 milyan oo qof oo ay koronto la’aan ku haysato Ukraine

0
349

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in qiyaastii 4.5 milyan oo qof oo wadankaasi ku nool aynan haysan adeegga korontada.
Tani ayaa ka dhalatay weerarro uu Ruushka ku bartilmaameedsaday xarumaha tamarta ee Ukraine.
Zelenskyy ayaa sheegay in xukuumadda Moscow oo duullaanka militari soo billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkan ay ku howlan tahay waxa uu ugu yeeray argagixisada tamarta.