Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha jaamacada dalka ee (KUSU) ayaa ku baaqaya in si dhameystiran dadweynaha looga qayb geliyo oo ay afkaartooda ka dhiibtaan qorsho ay dowladda dhexe ku doonaysa in sare loogu qaado dhaqaalaha sanduuqa qaran ee howlgabka ee NSSF.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan la shaaciyay in isbeddel lagu sameyn doono qiimaha bil waliba laga jaro musharaadka shaqaalaha ee ah 200 oo shilin si loogu keydiyo nidaamka NSSF.
Waxaa uu qorshuhu yahay in boqolkiiba 6 ee mushaarka qofka in loo gooyo waaxda howlgabka.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee KUSU, Charles Mukhwaya iyo guddoomiyaha ururkan Philip Onyango ayaa arrintan ka soo horjeestay.
Waxay sheegeen inay qasab tahay in dhammaan dhinacyada ay arrintan khuseyso lagala tashado ka hor inta aan la dhaqangelin soo jeedinta madaxweyne William Ruto.
Mukhwaya ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay mushaar kordhin loo sameeyo shaqaalaha maadaama qiimaha maciishadda uu kordhay oo sida uu hadalka u dhigay kenyaanka ay ku adkaatay maareynta nolol maalmeedkooda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda aynan diyaar u ahayn inay lacago ku keydsadaan NSSF oo ay ka diiwaangashan yihiin barnaamijyo kale oo dhigaal ah.
Xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha jaamacadaha dalka ee KUSU ayaa caddaalad darro ku tilmaamay in boqolkiiba 6 ee mushaarka qofka loo qoondeeyo NSSF.
Guddoomiyaha KUSU, Philip Onyango ayaa dhankiisa sheegay in arrintan aynan fikrad ahaan qalad ahayn balse loo baahan yahay in aan lagu degdegin oo laga heshiiyo.
Qasnad hayaha qaran ee ururkan James Makori ayaa madaxweynaha dalka William Ruto u soo jeediyay inuu ka fikiro qorshahan.
Dhanka kale saraakiisha KUSU ayaa dhaliilay maamulka jaamacadda Kisii oo aan lacagahooda siin ugu yaraan 204 shaqaale oo la eryay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo jaamacadaha wadanka ay maamullo dowladeed iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay ku leeyihiin ku dhawaad 56.1 bilyan oo shilin.
Madaxa fulinta ee sanduuqa dhaqaale ee jaamacadaha ,Geoffrey Monari, ayaa sheegay in loo baahan yahay in lacagahan lagu bixiyo 6 bilood gudahooda.




