Sakaja oo abaal marinaya qofkii soo sheega qashin lagu qubaya meel aan habbooneyn

0
352

Barasaabka ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa ballanqaaday inuu abaal marin siin doono qofkii intuu soo duubo ka dibna la wadaago qashin lagu qubaya meel aan loogu talagelin.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu dhanka kale shacabka ku nool caasimadda wadanka ku boorriyay inay wasaqda ku daadiyaan meelaha munaasabka ah.
Sakaja ayaa hoosta ka xarriiqay in ka dib marka la qabto qofka warbixinta laga gudbiyay , in dacwad lagu soo oogaya ka dibna ganaaxa lacageed ee la saaro qayb ka mid ah uu qaadanaya qofkii soo sheegay.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay diyaarinayaan xeer fududeyn karo dhaqangelinta qorshahan.