Waxaa ay u badan tahay in dhawaan la aaso meydad gaaraya 233 oo afartii bilood ee la soo dhaafay yaallay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Madaxa fulinta ee isbitaalka KNH, Evanson Kamuri ayaa sheegay in meydadkan ay isugu jiraan 217 oo carruur ah iyo 16 qof oo waawayn.
Dr. Kamuri, ayaa xusay inay qorsheynayaan yareynta ciriiriga ka jiro goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah magacyada meydadka halkaasi yaalla ay la wadaageen xubnaha qoysaska dadkaasi oo loo qabtay muddo saddex toddobaad ah oo ay kula wareegayaan haddii kale aas guud loo sameynayna.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in magacyada laga heli karo shabakadda rasmiga ee isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Tani ayaa imaanaysa wax ka yar labo bilood ka dib markii dowladda ismaamulka Nairobi ay aastay 236 meydad ah oo aynan cidna sheegan.
Xeerka caafimaadka dadweynaha ayaa dhigaya in haddii aynan cidna meydka sheegan labo toddobaad gudahooda looga saaraya goobta meydadka la dhigo.
Saraakiisha qaabilsan caafimaadka guud ka dib marka ay maxkamadda oggolaansho ka helaan waxaa u furan inay meydadka si wadar ah u aasaan.