Waxaa xukun xabsi oo 20 sano ah lagu riday haweeney dhalasho ahaan ka soo jeedo Maraykanka oo lagu magacaabo Allison Fluke-Ekren.
Waa 42 sano jir laga soo qabtay dalka Syria ka hor inta aan dabayaaqadii bishii koowaad ee sanadkan la gayn Maraykanka.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inay hoggaaminaysay qayb ka tirsan kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS oo haween ka kooban.
Xukunka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii ay Allison qiratay dembiyo la xiriira argagixisada oo lagu soo oogay horraantii sanadkan.
Sidoo kale waxay sheegtay inay weerarro ka gaysatay gudaha Maraykanka.
Waxaa ay ka soo hormuuqatay oo xukunka ku ridday maxkamad ku taalla waqooyiga gobolka Virginia ee Maraykanka.



