Waxaa ay maanta doorasho ka dhacaysa Israa’iil iyadoo codeyntan ay tahay midii shanaad ee la qabanaya wax ka yar afar sano.
Ra’iisul wasaarihii hore Benjamin Netanyahu ayaa maalmihii la soo dhaafay waday olole uu ku doonaya inuu dib ugu soo laabto xukunka.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa dhankiisa ku dadaalaya sidii uu xukuumadda u sii hoggaamin lahaa.
Netanyahu oo loo haysto musuqmaasuq iyo luminta kalsoonida shacabka ayaa dhankiisa ballanqaadaya inuu isbeddel sameyn doono.




