Madaxweynaha dalka oo amray in la soo afjaro dilalka sharci darrada ah

0
211

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee (IPOA) ku amray inuu wasaaradda arrimaha gudaha ku wareejiyo qorsho lagu soo afjaraya dilalka sharci darrada ah ee ka dhaco wadanka.
Amarkan ayuu Ruto soo saaray xilli uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta IPOA.
Waxaa uu wacad ku maray in uu soo gabagabeyn doono arxaan darrada lagu eedeyo ciidamada booliska iyo dadka intii la qabto la waayo.
Tallaabooyinkan ayuu xusay inay qayb ka yihiin dib u habeyn ballaaran oo ay dowladda dhexe ku sameynaysa waaxda amniga ee wadanka.
William Ruto ayaa cadeeyay in dowladda ay ka go’an tahay inay garab buuxa siiso sidii looga gudbi lahaa dilalka aan sharciga ahayn.
Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay meydad laga helay webiga Yala ee ismaamulka Siaya isagoo sheegay in tani ay ka mid tahay sababaha loogu baahan yahay in isbeddel la sameeyo.
William Ruto ayaa intaasi ku daray inay ku dadaalayaan sidii looga gudbi lahaa waxyaabo uu sameeyay maamulkii hore oo uu ku tilmaamay cabsigelin.
Horay ayuu hoggaamiyaha wadanka u kala diray qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU-da oo lala xiriiriyay dilal loo gaystay dad kenyaan ah oo hadda baaritaano dabagal ah lagu hayo.