Wafdi saraakiil ah oo ay dowladda Pakistan u soo dirtay Kenya ayaa kulan la yeeshay sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Nuur Gaabow.
Tani ayaa daba socota dil toddobaad ka hor loo gaystay wariye u dhashay Pakistan oo lagu magacaabi jiray Arshad Maxamad Sharif.
Ciidamada booliska ee dalka ayaa qirtay in dilkaasi uu si khalad ah u dhacay Axaddii hore ee 23-kii bishan Tobnaad xilli ay ku daba jireen baabuur la soo dhacay.
Wafdiga maanta la kulmay Nuur Gaabow waxaa hor kaceysay safiirka Pakistan ee Kenya Saqlain Syedah.
Arbacadii ayay ahayd markii dowladda Pakistan ay Kenya u soo dirtay saddex sarkaal oo ku takhasusay sirdoonka si ay u baaraan dilka wariye Arshad Maxamad Shariif oo ayna warbixin ugu gudbiyaan wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaasi.
Saraakiishan ayaa kala ah agaasimaha hay’adda baaritaannada ee Pakistan Athar Waheed, ku xigeenka agaasimaha guud ee laanta sirdoonka Cumar Shahid Hamid iyo korneel Saad Axmad.
Today the Pakistan High Commissioner to Kenya H.E Saqlain Syedah with her delegation paid a courtesy call to Ag IG Noor Gabow in his office. The delegation is in the country following the death incident of a Pakistani journalist. pic.twitter.com/0O9wQjidUw
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) October 31, 2022




