DHAGEYSO:Beeraleyda Nyandarua oo sheegaya inay suuq u la’yihiin dalaggooda

0
312

Iyadoo qaybo badan oo ka mid ah wadanka laga dareemaya saameynta abaarta daba dheeraatay oo ay cunno la’aan baahsan jirto ayay dhanka kale beeraleyda ismaamulka Nyandarua sheegayaan inay la’yihiin suuq ay ku iibiyaan dalag badan oo beeraha uga soo go’ay.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in waddooyinka oo aan tayo ahaan wanaagsanayn awgeed iyo qarashaadka gaadiidka oo sarreeya inay ka cabsi qabaan in cuntooyinkii ay soo saareen ay ka hallaabaan.
Dowladda ayay ugu baaqayaan inay halkaasi gayso baabuur lagu soo qaadi karo cuntooyinka.