14 qof oo ku dhimatay shilal dhowr ah

0
338

14 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilal kala duwan oo ka dhacay ismaamullada Kiambu, Nyamira iyo Kajiado.
Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa la diiwaangeliyay khasaarahan nafeed.
9 ka mid ah dadkan waxay ku geeriyoodeen Kiambu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la qabtay darawalkii kaxeynayay baabuur shil ku galay aagga Kamakis ee waddada wayn ee Eastern bypass ee ismaamulka Nairobi.
Shilkan waxaa ku dhintay saddex qof oo uu ka mid ahaa 11 sano jir.
Taliyaha booliska ee deegaanka Ruiru ,Cecilia Kemboi ayaa maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ka codsatay inuu kuuskuus ama waxa loo yaqaano askariga jiifa uu geliyo waddada aadka loo isticmaalo ee Eastern bypass si loo xakameeyo xawaaraha baabuurta.
Saddexda qof ee shilkan ku dhintay ayaa meydadkooda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Kenyatta University Hospital .