DRC oo amartay in dalkeeda uu ka baxo safiirka Rwanda

0
229

Dowladda jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ayaa safiirka dalka Rwanda halkaasi ku matalo Vincent Karega ku amartay inuu wadankeeda iskaga baxo.
Waxay danjiraha u qabatay muddo 48 saacadood ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay DRC ku eedeysay Rwanda inay garab siinayso fallaagada M23 oo la wareegay labo magaalo tani oo xiisad ka dhex abuurtay dalalkan.
Amarkan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya wuxuuna yimid ka dib kulan uu yeeshay golaha difaaca oo uu guddoominayay madaxweyne Felix Tshisekedi.
Magaalooyinka ay fallaagada qabsatay ayaa lagu kala magacaabaa Kiwanja iyo Rutshuru waxayna ku yaalla gobolka waqooyi ee North Kivu.