DHAGEYSO:IEBC oo shaacisay xilliga doorasho ku celis ah ay ka dhacaysa Garissa Township

0
383

IEBC oo shaacisay xilliga doorasho ku celis ah ay ka dhacaysa Garissa Township
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shaaciyay in deegaanka Garissa Township ee ismaamulka Garissa doorasho ku celis ah lagu qaban doono 5-ta bisha koowaad ee sanadka 2023-ka.
Tani ayaa timid ka dib markii Aadan Barre Ducaale oo shacabka deegaankaasi ku matalayay baarlamaanka uu noqday wasiirka gaashaandhigga ee Kenya.
Labo ka mid ah shakhsiyaadka daneynaya inay buuxiyaan xilkii uu iska casilay Ducaale ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.

IEBC ayaa sheegtay in isla maalinkaasi ay doorasho ku celis ah ka qabsoomi doonto deegaanka Kandara ee ismaamulka Muranga oo ay mataleysay wasiiradda biyaha iyo waraabka Alice Wahome.
5-ta Jannaayo ee sanadka soo socdo waxaa sidoo kale la qabanaya doorashada xilka senatarnimo ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet oo uu baneeyay wasiirka waddooyinka , gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka , Wafula Chebukati ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in shacabka deegaanka hoose ee Shella Ward ee ismaamulka Lamu ay 5-ta bisha koowaad wakiil dooran doonaan.
Mr. Chebukati ayaa xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb qaataan doorashooyinkan ku celiska ah ugu baaqay in ay magacyada musharraxiintooda iyo xilliga la qabanaya is-reebreebka ay soo gudbiyaan ugu dambeyn 14-ka bisha soo socoto.