In ka badan 150 qof oo ku dhimatay Kuuriyada Koonfureed

0
263

Wadanka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ka jiro baroor-diiq qaran ka dib markii is buurasho dhacday ay ku dhinteen 151 qof.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay degmada Itaewon ee caasimadda dalkaasi ee Seoul.
Dhanka kale ehello murugaysan ayaa ku sii qulqulaya isbitaallada iyagoo raadinaya dadkooda oo la waayay musiibadan ka dib.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay is buurashada waxaa uuna ku tilmaamay xaalad argagax leh.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in dowladda ay shaacisay in la baroor-diiqaya ilaa iyo inta xaaladdan laga gudbaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhintay ay ka mid yihiin dhallinyaro iyo haween.
Sidoo kale 19 ka mid ah ayaa u dhashay waddamo kale sida Iiraan ,Uzbekistan, Shiinaha iyo Norway.
Waxaa ay dhaawacyo soo gaareen 82 qof oo kale oo 19 ka mid ah ay liidato xaaladooda caafimaad.