12 saraakiil boolis ah oo loo haysto dilkii Baby Pendo

0
386

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in la maxkamadeyn doono 12 ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada booliska.
Waxaa askartan lala xiriirinaya dil sanadkii 2017-kii magaalada Kisumu loogu gaystay gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Baby Samantha Pendo.
Saraakiisha ayaa sidoo kale ku eedeysan xadgudubyo ay gaysteen ka dib doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii.
Nuurdiin Xaaji ayaa bayaan ku sheegay in la hayo caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo dacwadda ka dhanka ah ciidamadan.
Mr. Xaaji ayaa intaasi ku daray in eedeysanayaasha aynan dembi lahayn ilaa iyo inta looga caddeynaya.
Waxaa uu sheegay in aan magacyadooda la shaacin si loo ilaaliyo dadkii ay dhibaateeyen iyo marqaatiyaasha.