Wada- hadallado nabadeed oo labada dhinac ee Koonfurta Suudaan uga furmay magaalada Naivasha

0
593

Labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka konfuurta sudaan ayaa isku afgaartay in ay huubka dhigan oo ay wada hadalo bilabaan .
Mar ay warbaahinta kula hadleen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ee dalkani Kenya oo ah halka ay wada hadalada uga socdaan dowladda iyo mucaaradka ayay sheegen in ay rajo ka qabaan in xal waaro laga gaaro dagalada ay ku barakaceen in ka badan 4 milyan oo qof
Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan joojinta dagaalada oo ay sidoo kale ku dhinteen in ka badan 380,000 oo qof
Geeddi-socodka wada hadalada nabadda ee labada dhinac ayaa looga gol-leeyahay wax ka qabashada waxa uu salka ku hayo khilaafka.
Wada hadalladan ayaa imaanaya kadib markii dhinacyadu ay horay uga heshiiyeen boqolkiiba 95 kala duwanaanshihii u dhexeyay.