Kuuriyada Koonfureed oo beenisay inay hub siisay Ukraine

0
234

Madaxweynaha dalka Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa beeniyay eedeyn uga timid dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Putin ayaa shir shalay ka qabsoomay magaalada Moscow ka sheegay in xukuumadda Seoul ay hub halis ah ugu deeqday Ukraine.
Waxaa uu intaasi ku daray in tallaabadan ay waxyeelleyn karto xiriirka ka dhexeya labada dhinac.
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa intaasi raaciyay eedeyn uu u jeediyay dowladaha reer galbeedka oo ah inay sii hurinayaan colaadda Ukraine.
Hasa ahaate madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa cadeeyay inay gargaar baniaadannimo iyo mid amni ay u fidiyeen dowladda Ukraine oo uu duullaan ku hayo Ruushka balse aynan marnaba siin hub culus sida uu Putin ku andacooday.