Japan oo maanta lagu xusuustay dadkii ku dhintay dhulgarirkii 2011-kii

0
677

Wadanka Japan ayaa maanta laga maamusay noloshii 20,000 qof oo ku nafwaayay dhul gariir wadankaasi ka dhacay 10 sano ka hor kaasi oo burburiyay magaalooyin badan.
Dad badan ayaa maanta u lugeeyay xeebta ama qabuuraha si ay ugu duceyaan ehelkooda ama asxaabtoodii ku dhintay musiibadii seddex geesoodka aheyd.
Waxaa munaasabadda maamuuska ee lagu qabtay Japan qayb ka ahayd hal daqiiqo oo aamusnaan ah si loogu soo xasuusto dadkaasi.
Dhul gariirkan ayaa waxaa uu ka dhacay xeebta waqoyi ee Japan bishii saddexaad ee 2011-kii.
Ra’iisul wasaaraha Japan Yoshihide Suga iyo Emperor Naruhito xafladan maamuuska dadka ka la qeyb galay caasimadda Japan ee Tokyo.