Guddoomiyaha Lamu oo loo magacaabay ku simaha hoggaamiyaha xisbiga ANC

0
400

Barasaabka ismaamulka Lamu Cissa Timamy ayaa loo magacaabay inuu noqdo ku simaha hoggaamiyaha xisbiga ANC.
Tani ayaa timid ka dib markii Musalia Mudavadi uu hoggaankii xisbigan iska casilay.
Musalia Mudavadi ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxa golaha wasiirrada ee dalka.
“Musalia Mudavadi waxa uu ka tanaasulay jagadiisii hoggamiyaha xisbiga ANC ka dib markii loo magacaabay xilka madaxa golaha wasiirrada, sida uu qabo qodobka 77-aad ee farqada labaad ee dastuurka wadanka lagu maamulo” ayuu yiri xoghayaha guud ee xisbigan Simon Gikuru
Mudavadi ayaa hadda ah wasiirka koowaad ee xukuumadda iyo mas’uulka saddexaad ee ugu awoodda badan Kenya sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka William Ruto.