Israa’iil oo weerar ka gaysatay Syria

0
360

Militariga dowladda Syria ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeymo dhanka cirka ah ka gaysatay magaalada Dimishiq.
Saraakiisha gaashaandhigga ee Syria ayaa laga soo xigtay in aroornimadii hore ee maanta ay Israa’iil gantaallo ku soo tuurtay xarumo.
Waxay intaasi ku dareen in hannaanka difaaca hawada ee wadankaasi uu gantaallada soo riday.
Lama soo tabin cid falkan ay waxyeello ka soo gaartay.
Weerarkan ayaa ah midkii saddexaad muddo toddobaad gudihiisa ah.