Midowga Yurub oo Kenya siiyay 11 milyan oo shilin

0
423

Midowga Yurub ayaa dowladda Kenya u qoondeeyay lacag dhan
98,224.59 oo doolar una dhiganta 11.9 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa in looga hor tago in cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda uu wadanka u soo gudbo.
Deeqdan ayaa lagu wareejinaya hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya si ay ugu adeegsato wacyigelinta bulshada.
Barnaamijkan oo soconaya muddo saddex bilood ah ayaa lagu wacyigelin doonaa dadka ku nool ismaamullada xadka la leh Uganda.
Waxaa lagu bartilmaameedsanaya 565, 000 qof oo deggan ismaamullada Busia, Bungoma, Siaya, Kisumu, Homa Bay iyo Migori si loo fahansiiyo qaabka ay uga feejignaan karaan cudurka Ebola.
Wacyigelinta waxaa qayb ka ah madaxda diimeed iyo dhakhaatiirta wax ku daaweeya dhirta maadaama dadka qaar ay aaminsan yihiin in shirkiga uu sabab u yahay Ebola.
Tani ayaa timid ka dib markii la xaqiijiyay 61 xaaladood oo ah kuwa cudurka Ebola oo ay ilaa iyo hadda u dhinteen 25 ruux oo ay ka mid yihiin afar dhakhaatiir ah.