Xildhibaanka Kamukunji oo dalbaday in la baaro dilkii Arshad Sharif

0
482

Xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi ayaa dalbaday in la baaro dil dhawaan loo gaystay Arshad Sharif oo ahaa wariye u dhashay dalka Pakistan.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka iyo hay’adaha ammaanka laga doonayo inay arrintan u saaraan guddi xaqiiqo raadis ah.
Mudanaha ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii tani la fududeysto ay dhaawici karto xiriirka dibloomaasiyadeed ee wanaagsan ee ka dhexeya waddamada Kenya iyo Pakistan.