60 qof oo ku dhimatay weerar ay fuliyeen militariga Myanmar

0
374

Waxaa lagu soo warramayaa in duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee dalka Myanmar inay ku dhinteen 60 ruux.
Sarkaal militari oo lagu magacaabo Colonel Naw Bu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarka loo adeegsaday labo ka mid ah diyaaradaha dagaalka.
Waxay bartilmaameedsadeen xaflad ay qabanayeen xoogagga madax banaanida gobolka Kachin ee Kachin Independence Army (KIA) .
Afhayeen u hadlay kooxdan ayaa sheegay in laga dilay 50 xubnood.
Waxaa weerarka sidoo kale ku nafwaayay shacab halka ilaa 70 kalena ay ku dhaawacmeen.