Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saraakiisha amniga ee gobolka bariga ku amray inay si degdeg ah u xalliyaan dhibaatooyin u dhexeya beeraleyda ismaamulka Kitui iyo dad xoolo dhaqato ah oo la sheegay inay ka soo gudbeen dhanka ismaamullada Garissa iyo Tana River.
Waxaa uu ciidamada u sheegay inay waajib ku tahay inay dejiyaan xiisadda ka taagan Koonfurta Kitui oo aynan ka war sugin wasiir amni.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in waaxda amniga gooni looga dhigay miisaaniyadeeda sidaasi awgeedna aynan jirin sabab ay u dhacaan falal amni darro.
Amarka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo labadii bilood ee ugu dambeeyay labo qof halkaasi lagu dilay.




