Guddiga doorashooyinka ee dalka Pakistan ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan ka hor istaagay inuu xafiis qabto muddo shan sano ah.
Go’aankan ayay xubnaha guddiga si aqlabiyad leh isugu raaceen ka dib markii Khan lagu cadeeyay musuqmaasuq.
Hasa ahaate waxaa durbaba go’aanka maanta soo baxay ka soo hor jeestay xisbiga Imran Khan ee (PTI).
Xisbiga ayaa su’aal geliyay in guddiga doorashooyinka ee Pakistan uu awood u leeyahay inuu qaato go’aan noocani ah.
PTI ayaa laga soo xigtay inay maxkamadda sare ee magaalada Islamabad u gudbinayaan dacwad racfaan ah iyagoo dhanka kale taageerayaashooda ugu baaqay inay waddooyinka isugu soo baxaan.
Dacwadda ka dhanka ah Imran Khan ayaa waxaa bishii Siddedaad gudbiyay xubin ka tirsan xisbiga PMLN oo ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan ku eedeyay inuu iibsaday hadyado ay bixiyeen marti sharaf shisheeye hasa ahaate uunan hantidaasi la wadaagin guddiga.
Madaxa xisbiga PTI , Fawad Chaudhry ayaa go’aanka ka soo baxay guddiga doorashooyinka dalka Pakistan ee ka dhanka ah Khan ku tilmaamay mid laga yaxyaxo oo dharbaaxo ku ah dadweynaha dalkaasi.
Waxaa uu intaasi raaciyay in la weeraray dastuurka iyo shacabka Pakistan oo aan keliya la bartilmaameedsan Imran Khan.




