Ciidamada ammaanka ee dalka Chad oo dilay 30 qof

0
262

Waxaa lagu soo warramayaa in caasimadda dalka Chad ee N’Djamena lagu dilay 30 qof ka dib markii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal.
Waxaa arrintan xaqiijiyay afhayeenka dowladda wadankaasi Aziz Mahamat Saleh.
Hasa ahaate dadka soo qabaan qaabiyay dibadbaxa ka dhanka ah dowladda Chad ayaa tirada dhimashada ku sheegay 40.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ugu yaraan 32 qof lagu dilay magaalada labaad ee ugu wayn wadankaasi ee Moundou halka in ka badan 60 kalena la dhaawacay.
Dadweynaha Chad ayaa waddooyinka isugu soo baxay xilli ay ku beegnayd taariikhdii ay militariga ballanqaadeen inay xukunka wareejin doonaan taasoo labo sano oo dheeraad ah dib loo sii dhigay.