Wasiirrada magacaaban ee arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo la turxaan bixiyay

0
397

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa waxaa maanta hor tagay Kithure Kindiki oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo Njuguna Ndung’u oo uu hoggaamiyaha wadanka doonayo in haddii la ansixiyo uu noqdo wasiirka maaliyadda .
Waxaa su’aallo laga waydiiyay aqoontooda , khibradooda shaqo , sida ay uga madax bannaan yihiin musuqmaasuqa iyo qof jecleysiga iyo waxyaabaha u qorsheysan haddii la meel mariyo.
Ndung’u oo horay u soo noqday madaxii bangiga dhexe ee dalka (CBK) ayaa qiimaha guud ee hantidiisa ku sheegay 950 milyan oo shilin.
Waxaa uu bangiga dhexe hoggaaminayay laga soo billaabo bishii Saddexaad ee sanadkii 2007 ilaa bishii Saddexaad ee sanadkii 2015.
Waxaa uu xusay inuu waqti xaadirkan la shaqeeyo hay’adda cilmi baarista dhaqaale ee qaaradda Afrika((AERC).
Waxaa uu guddiga turxaan bixinta u sheegay in inta badan hantidiisa uu ka helay maalgashi dhaqaale oo uu sameeyay.
Njuguna Ndung’u ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii xilka wasiirka maaliyadda loo ansixiyo uu iska casili doono shaqada uu hadda haya.
Waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii isbeheysiga Kenya Kwanza ee talada wadanka haya ka caawinayay soo saaridda qorshaha dhaqaale ee loo yaqaano bottom-up oo ay micnaheedu tahay in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo heerka ugu hooseeya.
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in deynta lagu leeyahay Kenya ay tahay 8.6 tiriliyoon oo shilin.