Qaybta gaarka ah ee waaxda dambi baarista oo la kala diray

0
310

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka Nuur Yarow Gabow ayaa soo saaray amar uu ku kala diray adeegga gaarka ah ee waaxda dambi baarista ee (SSU).
Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan maanta soo baxay.
DCI ayaa laga soo xigtay in dhammaan saraakiishii ka tirsanaa qaybtan looga yeeray xarunta dhexe ee dambi baarista si tallaabada xigta loola wadaago.
Qaybtan oo la aasaasay sanadkii 1999 ayaa qaabilsanayd ka hor tagga falal dambiyeedyada sida gudbinta hubka sharci darrada ah , daroogada, dhaca awoodda loo adeegsado , tahriibka iyo xatooyada badeecooyinka waxaana dhaliil loo jeediyay ka dib markii labo bilood ka hor la waayay saddex qof oo u dhashay dalka India.