Biyo la’aan ka jirto xaafad ka tirsan Thika

0
261

Waxaa lagu soo warramayaa in gaabad dhanka biyaha ah uu soo foodsaaray shacabka ku nool xaafadda Landless estate ee magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu.
Dadweynaha ayaa shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee (Thiwasco) ku eedeynaya in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay garab siinayaan shakhsiyaad ku howlan carqaladeynta bixinta adeeggan si ay shacabka biyo uga iibiyaan.
Wakiilka deegaankaasi hoose Peter Mburu Muigai ayaa sheegay in caqabaddan ay muddo soo jirtay.
Waxaa uu sidoo kale cabasho ka muujiyay in shacabka qarashaad lagu soo qoro in kastoo aynan biyo helin.
Hasa ahaate agaasimaha guud ee shirkadda Thiwasco, Moses Kinya ayaa dhibaatan u aaneeyay tirada dadka xaafadaasi oo korortay sidaas awgeedna aynan awoodin inay haqabtiraan baahida dhanka biyaha.