Ugu yaraan 11 qof ayaa la dilay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerar lala leegtay garoon lagu tababaro ciidamada militariga ee dalka Ruushka.
Xaruntan ayaa ku taalla Koonfurta-Galbeed ee Ruushka.
Dhacdadan ayaa waxaa fuliyay labo qof oo weerar ku soo qaaday rasaasna ku furay dad si iskood ah isku soo saaray inay ka dagaalamaan gudaha Ukraine.
Wakaaladda wararka ee RIA ayaa sidatan ku warramaysa.
Guddoomiyaha gobolka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in weerarka aan lagu dilin shacab.