Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax laga soo tabiyay goob macdanta laga soo saaro oo ka dhacay dalka Turkiga.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in falkaasi ay ku nafwaayeen 41 qof.
Howlwadeennada samatabixinta ayaa soo gabagabeeyay howlgal ay ka fulinayeen goobtan oo ku taalla magaalada Amasra.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xaqiijiyay in qof macdan qodoto ah oo la waayay ugu dambeyn meydkiisa la helay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in 28 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.