Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sameeyay codeyn uu ku cambaareynaya waxa loogu yeeray iskuday goosasho oo sharci darro ah oo ay dowladda Ruushka ku sameysay afar ka mid ah gobollada dalka Ukraine.
Gobolladan ayaa ah kuwo ay xukuumadda Moscow kula wareegtay duullaanka militari ee ay halkaasi ka wado tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.
Golaha ayaa waddamada xubnaha ka ah ugu baaqay inaynan oggolaan tallaabada Ruushka uu qaaday.
143 ka mid ah 193- ka xubnood ee golaha guud ee qaramada midoobay ayaa arrintan codkooda ku taageeray.
Waxay xaqiijiyeen madax bannaanida, midnimada iyo xurriyadda dhuleed ee Ukraine.
Waxaa codeynta ka aamusay 35 waddan oo ay ka mid yihiin Shiinaha India, Pakistan iyo Koonfur Afrika.
Inta kale ma aynan codeyn waxaana Ruushka la saftay afar dowladood oo kala ah Belarus, Nicaragua, Kuuriyada Waqooyi iyo Syria.
Bishii hore ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay ku dhawaaqday inay goosanaysa gobollada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhia oo ay afti ku qabatay.
Dowladda Ukraine iyo saaxiibadeeda ayaa codeynta ku tilmaamay mid sharci darro oo dadweynaha lagu qasbay inay ka qayb qaataan.
Codeynta uu sameeyay golaha guud ee qaramada midoobay ayaa imaanaysa ka dib markii dowladda Ruushka ay bishii hore awoodda diidmada qayaxan ay u adeegsatay qaraar uu soo saaray golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.