Booliska oo warbixin ka soo saaray shil dhacay Sabtidii

0
342

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Meru ayaa warbixin horudhac ah ka soo saaray shil habeenimadii ay Axadda soo galeysay ka dhacay aagga loo yaqaano Subuiga ee waddada u dhexeysa dowlad deegaannada Isiolo iyo Meru.
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in maamulka baska shilka galay uunan haysan shahaadada muujinaysa in kormeer lagu sameeyay oo la xaqiijiyay tayadiisa iyo shatiga adeegsiga waddada.
Dokumeentigan ayaa waxaa ku qoran taargada baabuurka , meelaha loogu safro , nambarrada shirkadda uu ka tirsan yahay , magaca shirkadda iyo taariikhda uu dhacaya leesinka.
Ku xigeenka taliyaha booliska ee deegaanka Galbeedka Buuri ee ismaamulka Meru, Laura Khatiebi ayaa sheegtay in markii uu shilka dhacayay aan baskaasi loo oggolayn inuu shaqeeyo.
Booliska Galbeedka Buuri oo arrintan baaritaano dheeraad ah ku sameynaya ayaa u yeeray mulkiilaha gaariga si uu farriin u qoro oo uu faahfaahin u bixiyo.
Waxaa dhacdadaasi ku nafwaayay ilaa 12 qof halka ku dhawaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka uunan ahayn bas caadi ah balse gaari la habeeyay oo loogu talagalay dadka xafladaha jecel ee u kala goosha waddamada Kenya iyo Tanzania.