Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa si kulul u cambaareeyay weerar lagu dilay 7 ka mid ah saraakiisha ammaanka ee dalka Jabuuti.
Waxaa uu falkan ku tilmaamay mid wuxushnimo oo si fuleynimo ah loo fuliyay.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay afar sarkaal oo kale.
Dr. Workneh ayaa sheegay in Jabuuti ay xasilooni buuxda ka jirto .
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Jabuuti ay kaalin wayn ka qaadato wada noolaanshaha nabadeed ee gobolka.
Waxaa uu sheegay inuu u tacsiyeynaya qoysaska ay arrintan si gaar ah u saameysay , shacabka iyo dowladda Jabuuti.
Madaxa IGAD ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo oo tallaabo sharciyeed laga qaado kooxdii weerarkan gaysatay.