Bobi Wine oo ku baaqay dibadbaxyo nabadeed

0
718

Musharaxii madaxweynenimo ee dalka Uganda Bobi Wine ayaa shacabka ugu baaqay in ay sameyaan dibadbaxyo nabadeed.
Xilli uu ku sugnaa xarunta dhexe ee xisbiga NUP ee magaalada Kampala ayuu sheegay in dadweynaha laga doonayo in iyagoo aan hubeysnayn ay muujiyaan sida aynan ugu qanacsaneyn maamulka madaxweyne Yoweri Museveni.
Bobi Wine ayaa maamulka Museveni ku dhaliilay mid caburinaya shacabka iyo dadaallada ku aaddan dimuqraadiyadda.
14-kii bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii markii 6-aad ee Museveni ku guulaystay xilka madaxtinimo ee Uganda oo uu hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1986-dii.