In ka badan 18 qof oo lagu dilay Mexico

0
277

Dacwad oogaha dalka Mexico Sandra Luz ayaa telefishinka Milenio u sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen weerar burcadnimo oo ka dhacay dalka Mexico.
Labo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay falkan oo laga soo tabiyay magaalada San Miguel Totolapan ee gobolka Guerrero.
Dadka weerarka lagu dilay waxaa ka mid ah duqii magaladaasi Conrado Mendoza.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeyska falkan oo ay wararka qaar sheegayaan inay soo qaaday kooxda burcadka ee Los Tequileros oo lala xiriiriyay nin lagu eedeyay ka ganacsiga daroogada oo lagu magacaabo Jalisco Nueva.
Mexico waxaa laga gaystay dilal gaaraya 340,000 tan iyo markii sanadkii 2006-dii ay dowladda dalkaasi billowday dagaal ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha.