Dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigray oo oggolaaday wada hadallo nabadeed

0
198

Dowladda dalka Itoobiya iyo fallaagada gobolka waqooyi ee Tigray ee wadankaasi ayaa aqbalay casuumaad uga timid Midowga Afrika si ay labada dhinac u yeeshaan wada hadallo nabadeed.
Kulamadan oo lagu qabanaya dalka Koonfur Afrika ayaa la doonaya in lagu soo afjaro colaadda labo sano ka jirta Itoobiya.
Kumanaan qof oo shacab ah ayaa dagaallada ku nafwaayay halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.
Labada dhinac ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dhexdhexaadin ay garwadeen ka tahay AU-da.
Wada hadallada nabadeed oo la qaban doono maalmaha nagu soo aaddan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha AU-da Moussa Faki Mahamat waxayna noqonayaan kulamadii wada xaajoodka ahaa ee ugu horreeyay ee dhex maro saraakiisha dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigray tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii 2020-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here