Maraykanka oo Ukraine siinaya 625 milyan oo doolar

0
165

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Ukraine gaarsiin doonto taageero militari oo dheeraad oo dhan 625 milyan oo doolar.
Caawimaadda waxaa ka mid ah hannaanka gantaallada lagu gano ee (HIMARS).
Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda sheegaysa in tani ay sii hurin karto colaadda.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu Khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Xukuumadda Kyiv ayaa laga soo xigtay inay wado howlgallo ay ka fulinaysa bariga iyo koonfurta dalkaasi oo ay dib ugu qabsatay tuulooyin uu Ruushku horay ugala wareegay.
Biden ayaa caddeeyay in Maraykanka uu sii wadi doono taageerada uu siinaya Ukraine oo uu ku sheegay mid la iskaga difaacaya waxa uu ugu yeeray gardarrada Ruushka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here