Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda oo amarro culus dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha ka howlgalla Soomaaliya

Dowladda oo amarro culus dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha ka howlgalla Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Al-Shabaab, wuxuu kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeegga duulimaadyada oo ku bahaysan daladda SATA oo uu ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo Al-Shabaab, waxaana uu u sheegay in arrintani tahay go’aan dowladdeed islamarkaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Waxaa uu carabka ku adkeeyey in marnaba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatada uu noqdo mid lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga ayaa  lagu sheegay in ganacatada ku bahoobay daladda Adeegyada Duulimaadyada ee SATA ay dhankooda sheegeen inay u hoggaansamayaan awaamiirta ka soo baxday dhinaca dowladda.
Shirkan oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamad Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasis Ibraahim Aadan, ayaa iyagu dhankooda adkeeyey go’aamada ka soo baxay dhinaca Wasaaraddu in aynan ahayn kuwo ka noqosho leh islamarkaana uu ujeedkoodu yahay siddii looga hortaggi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments