Lesotho oo ay toddobaadkan doorasho ka dhacaysa

0
224

Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka Jimcada ee toddobaadkan ay dalka Lesotho ka dhacdo doorasho baarlamaani ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Lesotho ay ka jirto xasilooni darro siyaasadeed.
Maamulka talada wadankaasi haya ayaan tan iyo sanadkii 2017-kii ku guulaysan inuu ansaxiyo isbeddelo dastuuri oo muhiim ah.
Kala qaybsanaan saameysay xisbiga ayaa sababtay in muddo shan sano gudahooda ah ay Lesotho soo maraan labo ra’iisul wasaare.
Thomas Thabane ayaa is casilay sanadkii 2020 ka dib markii lala xiriiriyay dilka xaaskiisi hore in kastoo uu iska fogeeyay.
Moeketsi Majoro oo beddelay ayaa bishii Siddeedaad ku dhawaaqay xaalad degdeg ah in kastoo bishii hore maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay tallaabadaasi ku sheegtay sharci darro.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here