Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Siaya oo shaqada ka joojiyay xoghayaha iyo mas’uuliyiin kale

Barasaabka Siaya oo shaqada ka joojiyay xoghayaha iyo mas’uuliyiin kale

Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo ayaa fasax qasab ah u diray xoghayaha dowlad deegaankaasi Joseph Ogutu iyo qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee waaxyaha.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo howlaha maaliyadda ee Siaya.
Orengo ayaa sidoo kale isbeddel ku sameeyay waaxda maaliyadda ee Siaya isagoo wasiirka dhaqaalaha u magacaabay Mr. Richard Mungla .
James Orengo ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC iyo waaxda dambi baarista ee DCI-da ugu baaqay inay dardargeliyaan baaritaano ay ku hayaan lacago la sheegay in dowlad deegaankaasi laga lunsaday.
Waxaa uu wacad ku maray in Shakhsiyaadka fadeexaddan ku lugta leh aynan marnaba ka baxsan doonin hannaanka caddaaladda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments