Meydka walaalka madaxweyne ku xigeenka dalka oo maanta la aasaya

0
371

Waxaa maanta la aasaya meydka Jack Reriani oo ay wada dhasheen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo geeriyooday bishii hore.
Aaska oo ka dhacaya ismaamulka Nyeri ayaa waxaa ka qayb galaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminaya madaxweyne William Ruto.
Mr. Rigathi Gachagua ayaa horay u sheegay in walaalkiis uu kala talin jiray dhanka hoggaaminta, islamarkaana uu kaalin wayn ka soo qaatay maalgelintiisa dhanka waxbarashadiisi dugsiga sare.
Bishii Labaad ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii hoggaamiyaha labaad ee wadanka uu waayay walaalkii kale Nderitu Gachagua, kaas oo soo noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee Ismaamulka Nyeri.