SAWIRRO:Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay safarka uu ku yimid Muqdisho

0
626

Madaxweynaha Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axmed Madoobe ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii u ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Axmad Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore waxaa uu u mahaedceliyay Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland inuu aad uga faraxsan yahay imaanshaha Caasimadda, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay ujeedka safarkiisa oo la xiriira ka qeyb galka shirka looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya.
“Waxaan u nimid in la abshireysto kheyr noqoto wadankana horay u socdo war waa dambeeyaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmad Madoobe oo ka mahadcelinayay soo dhaweyn ballaaran oo Maanta loo sameeyay.
Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in todobaadakan uu dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer baaqday, waxaana maamulada Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo adeg ku xireen ka qayb galka shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here