Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka IMF oo lagu wado inay deeq siiso Ukraine

IMF oo lagu wado inay deeq siiso Ukraine

Guddiga fulinta ee hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa ka baarandegaya inuu Jimcada soo socoto lacag dhan 1.3 bilyan oo doolar siin karo dowladda dalka Ukraine.
Deeqdan dheeraadka ah ayaa ku soo aadaysa iyadoo weli uu socdo dagaalka Ruushka ee halkaasi ka billowday 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.
Shaqaale ka tirsan IMF oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Ukraine ay deeq bixiyeyaasha ka heshay caawimaad dhaqaale oo u suurtagelinaya in amaah la siiyo.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii hay’adda lacagaha adduunka ay Ukraine ku wareejisay caawimaad lacageed oo degdeg ah oo dhan 1.4 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments