Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday in saraakiisha dowladda ay qasab ku tahay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 si aynan u saameyn dadka ay u adeegayaan.
Waxaa go’aankan soo saaraya garsoore James Rikah.
Maxkamadda ayaa sheegtay inaynan micnaheedu ahayn in saraakiisha dowladda markii ugu horreysay lagu tijaabinaya daawo wax u dhimi karto caafimaadkooda balse keliya lagu amray inay qaataan tallaal waxtarkiisa la soo hubiyay.
Shakhsiyaadka dacwadda geeyay maxkamadda ayaa ku doodayay in amarkan uu ku xadgudbaya mabda’a ah in qofka oggolaansho laga helo .
Waxay intaasi ku dareen in sidoo kale uu meel ka dhac ku yahay xuquuqda dastuuriga ee dhanka macluumaadka ee shaqaalaha .
Hasa ahaate garsooraha ayaa xusay in aan loo baahneyn in qaadashada tallaalka COVID-19 lagu xaddiido oggolaansho shakhsiyeed maadaama lagula tacaalaya xaalad caalami oo degdeg ah.
Garsooraha ayaa sheegay in haddii saraakiisha dowladda aynan tallaalka qaadan inay ka dhalan karto khatar dhanka caafimaadka dadweynaha ah .
Maxkamadda ayaa caddeysay inay ku qanacsan tahay in tallaalka qasabka ah aan laga maarmin marka la eego saameynta soo gaari karto bulshada.