Waxaa isbitaalka guud ee ismaamulka Garissa la geeyay nin uu dhaawac ka soo gaaray weerar uu waraabe ugu gaystay tuulada Raaya ee dowlad deegaankaasi.
Bishaar Axmad Dhaqane ayaa qodobkan dhameystiraya.
Dhanka kale Dr. Xuseen iimaan oo qalliin ku sameeyay qofka uu waraabaha dhaawacay ayaa u warramay warbaahinta Star wuxuuna sheegay inuu ka dhaawacay indhaha, sanka iyo madaxa oo uuna yahay qofkii afaraad ee labo bilood gudahooda ay dhibaatadan gaartay.