Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Golaha muwaadiniinta oo ku goodiyay mudaaharaad haddii dowladda aynan waxbo ka qaban...

DHAGEYSO:Golaha muwaadiniinta oo ku goodiyay mudaaharaad haddii dowladda aynan waxbo ka qaban shidaalka iyo maciishadda

Golaha Bunge La Mwananchi oo ah urur ka hadla arrimaha bulshada ayaa ku hanjabay in ay dhigayaan mudaaharaad maalinta Isniinta ee toddobaadka soo socda haddii dowladda aysan dhimin qiimaha booshada iyo shidaalka.
Madaxa ururkan Calvince Gaucho ayaa sheegay in qiimaha maciishada ee hadda uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.
Mr. Gaucho ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay in looga baahan yahay inuu fuliyo ballanqaadkiisi ahaa inuu hoos u dhigi doona qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Ururkan ayaa soo jeediyaay saddex shuruudood oo ay doonayaan in si degdeg ah loo fuliyo oo ay ka mid yihiin in qiimaha booshada laga dhigo 80 shilin, in la dhimo qiimaha shidaalka iyo in la bixiyo dhaqaalihii loo ballanqaday dhallinyarada iyo hooyooyinka leh ganacsiyada yaryar.
Waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in Isniinta dambe ay abaabuli doonaan mudaaharaadyo ilaa laga xallinaya tabashooyinka ay qabaan.
Ururka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha dalka laga doonaya in uu guda galo inuu kenyaanka si siman ugu shaqeeyo oo uu ka gudbo waxyaabaha khuseeya siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments