Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo meesha ka saartay xayiraadda dalagga qaab casri ah loo beddelay

Dowladda oo meesha ka saartay xayiraadda dalagga qaab casri ah loo beddelay

Dowladda dalka ayaa qaaday xayiraadii saarneyd in la beerto ama gudaha wadanka la soo geliyo galleyda lagu sameeyay isbeddelka casriga ee loo yaqaano GMO.
Tani ayaa timid ka dib shir ay shalay yeesheen golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dalka ,golaha wasiirrada ayaa ansixiyay beerista iyo soo dejinta galleyda noocani ah iyaga oo tixgelinaya soo jeedino kala duwan oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimillada.
Mamnuucidda soo dejinta galleydan ayaa la dhaqan geliyey sanadkii 2012-kii ka dib wareegto uu soo saaray madaxweynihii hore ee geeriyooday Mwai Kibaki.
Wareegtadan ayaa daba socotay talooyin ay soo jeedisay wasiirkii caafimaadka dadweynaha ee xilligaas Beth Mugo oo soo xiganaysay daraasad ay samaysay jaamacad ku taalla dalka Faransiiska oo lagu sheegay in kansarka ku dhaca jirka laga qaado cuntooyinka qaab casri ah lagu soo saaro ee GMOs.
Xilligaasi waxaa cilmi baarista sidoo kale taageeray machadka cilmi baarista caafimaadka ee Kenya.
Dowladda Maraykanka ayaa bishii Afaraad ee sanadkan ka soo horjeesatay in Kenya ay diiday inay meesha ka saarto mamnuucidda ganacsigan iyadoo maamulka madaxweyne Joe Biden uu xusay in tani ay xaddiidayso cuntooyinka ay dibadda u soo dhoofiyaan.
Waxaa soo tagnayd dood aan dhammaad lahayn oo socotay taasi oo ku aadanayd badqabka dalagyada GMOs-ka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka ay ka jiraan abaaro xooggan oo saameeyay bulshooyinka dalka.
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in abaarta ay si gaar ah u saameysay, 3.5 milyan oo qof oo ku nool 23 ismaamul iyadoo la saadaalinaya in tiradan ay sii kordhi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments